Koox diyaarado drone ah ku weerartay magaalo uu ku sugnaa madaxweynaha Israel

Dubai (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa mar kale weeraro culus ku qaaday labada magaalo ee ugu waaweyn dalka isku tagga Imaaraatka Carabta.

Sida uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, kooxda ayaa Gantaalo laga riday diyaarado Drone ah la beegsatay magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi, ayaga oo duqeymaha lala beegsaday xarumo cayiman oo ahaa kuwa si gaar ah loo beegsaday.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay fashilisay weeraradii ay kusoo qaaday Xuutiyiinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda.

“Ciidanka difaaca cirka ayaa qabtay saaruukh lagasoo gamay Yemen balse ma jirin wax khasaara ah oo ka dhashay, burburka sawaariikhda ayaa ku dhacay goobo aan la deganayn,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda Abu Dhabi.

Weeraradan ayaa lagusoo beegay xilli uu madaxweynaha Yahuudda Isaac Herzog booqasho rasmi ah ku joogo dalka Imaaraatka Carabta.

Wasaaradda difaaca Israel ayaa beenisay inuu khatar amni galay madaxweynahooda, waxayna cambaareysay weerarka lagu qaaday dalka Imaaraadka Carabta.

Waa markii sadexaad oo kooxdaan ay duqeymo ka fuliso gudaha Imaaraadka Carabta, waxayna horey weeraro noocaan oo kale uga fulisay gudaha dowladda ay xulafada yihiin ee Sacuudiga.

Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa 7-dii ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Walxyo yar oo duula” ayaa la helay ayada oo saddex booyado shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen booliska.

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.