Lataliyihii dhinaca war-faafinta ee xafiiska Khayrre oo is casilay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegaya in C/qaadir Cashir Nadara oo ahaa lataliyihii dhinaca Warfaafinta ee Ra’iisul Xasan Cali Khayre uu is casilay.

C/qaadir Nadaara ayaa la sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay isagoo isku sharxaya kursi xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo bannaan, kaasoo uu banneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo doorashadiisa lagu wado inay dhowaan ka dhaco magaalada Baydhabo.

Xiriir ay Idaacadad kulmiye ee Magaalada Muqdisho la samaysay Nadara ayuu ku xaqiijiyay arintaas, isagoo intaa ku daray inuu yahay Murashax utaagan kursiga Xildhibaan ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo uu dhawaan Baneeyay Agaasimaha hay’dda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Wararka ayaa shaegaya in xukuumadda ay ku taageereyso Nadaara inuu noqdo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka si ay u kordhaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Doorashada kursigaan ayaa lafilayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo dhawaan, RW Xasan Cali Khayre ayaa lafilayaa in Nadaara uu ku taageero helida kursiga xildhibaanimo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in tallaabada uu isugu sharaxayo xubinta Xildhibaanimo ee doorashadeeda dhawaan ka dhaceyso Magalada Baydhabo ay ku dhiirageliyeen Xubno ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo taageero siinaya.

C/qaadir Nadaara ayaa xilka lataliyaha War-faafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay 5tii bishii sideedaad ee 2017.

Nadaara ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku xaqiijiyey inuu xilkiisa iska casilay laga bilaabo Maanta

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com