Maxaa ka jira eedeyntii uu abwaan Baarleex u jeediyey wasiir Cilmi Caynsane?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha Bulshada ee Soomaalida ku jiray eedeyn uu Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex usoo jeediyey Wasiir ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane.

Abwaanka ayaa Wasiirka ku eedeyey in anu waxba u qaban isla markaasna uu ku dayacan yahay Magaalada Muqdisho.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa dabagal xooggan ku sameysay eedeynta uu Abwaanka soo jeediyey, waxaana ilaa xad isku daynay inaan wax badan ka ogaano isla markaasna aan shacabka Soomaaliyeed la wadaagno waxa dhabta ah ee jira.

Sidee ayuu ku bilowday xiriirka Wasirka iyo Abwaanka?

Wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xildhiban Cilmi Cumar Ceynsane ayaa baraha Bulshada ku arkay Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo  ku xanuunsanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirka oo si weyn uga danqaday Xaaladda bini’aadanimo ee uu ku sugnaa Abwaanka ayaa go’aansaday inuu keeno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si loo geeyo isbitaalada casriga ah ee ku yaalo.

Abwaanka ayaa laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna Wasiir Ceysane oo markaas saxaafadda kula hadlayey garoonka dhexdiisa sheegay inuu Abwaanka halkaan u keenay sidii loo daaweyn lahaa maadaama Magaalada Hargeysa isbitaalada ku yaal wax looga qaban  waayey.

”  Abwaanka waxaan rabaa inaan geeyo isbitaalada Magaalada Muqdisho, haddii markaas wax looga qaban waayo waxaan u la raadin doona sidii loogu qaadi lahaa dakhatiirta dalka Debadiisa ah” ayuu yiri Wasiirka oo xilligii abwaanka Muqdisho imaanayey la hadlay Warbaahinta.

Sidoo kale Abwaanka oo xilligaas la hadlayey Warbaahinta ayaa isna sheegay inuu Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ka codsanayo in loo fidiyo gargaarka daawo ah

” Aniga waxaan ahay Abwaan soo halgamay, guryo iyo xoolo nin doonayo maahi, waxaana madaxda dowladda ka codsanayaa inay igu caawiyaan sidii la iiga daaweyn lahaa xanuunka wadnaha iga hayo” ayuu yiri Abwaanka.

Maxaa xigay?

Wasiir ku xigeen Cilmi Cumar Ceynsane ayaa Abwaanka dajiyey Hotel Muqdisho oo ku yaal Isgoyska Nambar afar ee Magaalada Muqdisho oo anu uga tagnay.

Abwaanka oo muddo laba bil ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa la geeyey dhammaan Isbitaalada ku yaal Muqdisho sida: Digfeer, Masaarida, Dr. Dasuuqi iyo Kalkaal.

Daaweyn iyo la tacaalid badan kadib, Dhakhaatiirta ayaa ku taliyey hadii loo heli karo in lo diro dakhatiirta dibada ah dawoyinkisana la siiyo uuna isticmaali karo inta dalka debadiisa loo qaadi karo taasoo ka caawin karto inuusan xanuunka ku dhibtoon.

Qarashaadka ku baxayey isbitaaladii la geeyey dhammaan waxaa bixinayey Wasiir Ceysane, kaliya daawada bes maahan e xataa qarashaadka Hotelka iyo cuntadiisa muddo laba bil ah waxaa bixinayey Wasiirka.

Qorshaha Dibadda looga qaadayey

Wasiir Ceysane oo raacayo taladii Dhakhaatiirta ee aheyd in Abwaanka dalka Dibadiisa lagu soo daaweeyo ayaa si deg deg ah ugu soo sameeyey Baasaboor isaga iyo gabar uu dhalay oo laba rabo in ay raacdo oo la qorsheeyey inay Turkiga u baxaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Xaaladda Abwaanka u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre, wuxuuna mar kasta ku dadaalayey sidii loo Caawin lahaa Abwaan Baarleex.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay meel gaba gaba ah u mareyso qorshaha la doonayo in abwaanka dibada loogu qaado, uuna u sameeyey Basabooro isaga iyo gabar uu dhalay oo raacaysa abwaanka oo hargeysa uga soo baxay GO HOME Document, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in dhowaan ay soo gabagabowdo qorshaha dibada loogu qaadayo laguna soo daweyn doono dalka Turkiga haddu Alle idmo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in waraaqaha Caafimaadka ee abwaanka loo diray Hospitalada dalka Tukey oo hadda jawaab laga sugayo kadibna Visaha la siinayo.

Hadalkii kasoo yeeray Abwaanka

Abwaanka ayaa cudur daar ka bixiyey eedeyntii uu Wasiir ku xigeenka usoo jeediyey, wuxuuna sheegay in la marin habaabiyay uuna yahay qof xanuunsan.

Waa sidee hadda Xaaladda Abwaanka?

Ugu dambeyntii Maamulka Hotelka uu Muqdisho ka daganyahay Abwaan Baarleex iyo xubna kale oo haatan gacanta ku haya xaalada caafimaad ee Abwaanka ayaa noo  xaqiijiyay in daryeelka abwaan Baarleex uu haatan ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa markuuu Hargeysa yaalay lana geeyey tiroba dhawr jeer dakhaatiir kala duwan iyadoo aan la kulanay kalkaaliyayaal caafimad oo si gaar ah ugu adeegayey Abwaanka.

Waxaana xusid gaar ah mudan in Goobta uu deganyahay Abwaanka iyo  dhamaan kharashkadkas ku baxa uu ilaa hadda si shaqsiyan ah gacanta ugu hayo wasiir Caysane oo go’aansaday inuu Mushaarkiisa ugu gargaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com