25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Liis soo shaac baxay: beesha Daarood oo heshay xubnaha ugu badan Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaalka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo shaac baxay, kadib markii saddex maamul goboleed ay doorteen xubnaha uga mid noqonaya Aqalkan oo ku cusub Soomaaliya.

Dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira oo la siiyay min 8 xubnood iyo maamulada Somaliland iyo Puntland oo min 11 xubnood loo qoondeeyay.

Beesha Daarood oo horeba u waday ololaha Aqalka Sare, ayaa hadda inay soo shaac baxday inay u badsatay, kana faa’iideysatay xaalado dhowr ah oo is biirsaday.

Waxaa arrimahaas ka mid ah ayada oo ugu dambeysay xubnaha soo gudbiyey liiska, islamarkaana beelihii la deganaa aan waxba siin, halka maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay sidaas sameeyeen.

Waxay Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub 2016 ayaa ka heleshay xubnaha soo socda:

Maamullada       Xubnaha

Puntland             11

Jubbaland            5

Galmudug            1

Somaliland          2 (Weli lama qeybin)

Wadarta Guud         19

Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Daarood ay 35% iyadu yeelan doonto xubnaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka badan tahay beel kasta oo Soomaaliyeed tiro dhan 7 ilaa 8 xubnood xubnood.

Dhismaha Aqalkan sare oo ay ka maqan yihiin guud ahaan Beesha Shanaad, iyo dadka degan Muqdisho, ayna diidan yihiin odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, wuxuu noqonayaa Aqal miisaankiisa dhinac u janjeero oo Soomaali badan u arkaan mid aan ku habooneyn Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News