Maxaadan ogeyn oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa Caawa toogasho ku dilay Sargaal ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaran Somalia.

Dilka Sargaalkaani ayaa ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Benadir, kaasi oo xiliga dilkiisa kasoo baxay guri uu ka degnaa Degmada.

Sargaalkaani ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay C/casiis Caraaye waxa uuna dilka ka dhacay Xaafad dhabarka danbe ka saaran Hoteel Dayax.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Kooxdaani ay Sargaalka dileen xili uu ku dhex sugnaa Hooygiisa, waxa uuna ku naf baxay isla goobta.

Ciidamo ka tirsan Degmada ayaa ku baxay rasaasta waxa ayna halkaasi ka eryeen Kooxihii dilka geystay inkastoo aysan u suuragalin inay gacanta kusoo dhigaan.

Dilkaani ayaa qeyb ka ah dilalka caadiga ah ee inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com