Muqdisho (Caasimada Online)-Meydadkaani oo laba Carruur ah ayaa waxaa goordhow laga helay Xeebta Curubo ee Magaalada Muqdisho.
Carruurtaani ayaa la sheegay inay soo tuftay Badda waxaana lagu soo baraarugay iyagoo yaalla banaanka sare ee Xeebta.

Carruurtaani oo ay ka quusteen Eheladooda ayaa waxaa la sheegay in badda loo keenay inay ku dabaashaan, balse reerkii dhalay waxa ay guryahooda ku laabteen iyagoo u bad la’aan ah kadib markii Biyaha ay qaaten carruurtaani.

Carruurtaani ayaa waxaa da’dooda lagu sheegay 5 ilaa 6 Jir mana jirin wax dhaawac ah oo jirkooda ku yaalla.

Sidoo kale Carruurta ayaa la sheegay inay ahaayen walaalo wada dhashay, iyadoo murug kadib ay halkaasi ka qaaten Eheladii dhalay.
bada-1

bada-2