Qarax khasaaro geystay oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray Gaari nooca raaxada ah, waxa uuna ka dhacay nawaaxiga suuqa beerta jaadka ee Degmada Hodan.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana la sheegayaa in Qaraxa uu ahaa mig lagu soo ciray gaari.

Khasaaraha Qaraxa ka dhashay ayaa la sheegayaa inuu yahay laba shacab ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi buux dhaafiyay ciidamada dowlada oo halkaasi ku xirxiray dhalinyaro dhowr ah.

Qaraxa ayaa barbar socda Qaraxyo dhowr ah oo muddooyinkaani danbe ka dhacayaay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com