Liiska dalalka ugu farxadda badan iyo kuwa ugu yar caalamka oo lasoo saaray

Helsinki (Caasimada Online) – Finland ayaa sanadkii shanaad oo xiriir ah loo magacaabay dalka ugu farxadda badan adduunka, ayada oo Afghanistan uu noqday kan ugu farxadda yar.

Liiska ugu dambeeyey ee World Happiness Report, oo ay abaabushay QM, ayaa qiimeyntiisa la sameeyey kahor inta aanay Ruusku duulaan ku qaadin Ukraine.

Dalalka Bulgaria, Romania iyo Serbia ayaa sanadkan sameeyey horumarkii ugu wanaagsan, halka dalalkii hoos u dhac ugu weyn uu ku yimid ee Liiska Farxadda Adduunka ay kala yihiin Lebanon, Venezuela iyo Afghanistan.

Warbixinta Farxadda Adduunka, oo sanadkan uu yahay keedii 10-aad ee inta la sameynayo, ayaa waxaa saldhig looga dhigaaa qiimeyn ay shacabka iskooda uga warramaan farxaddooda, iyo sidoo kale xogta dhaqaale iyo tan bulsho.

Dalalka Waqooyiga Yurub ayaa mar kale buuxiyey kaalimaha ugu sarreeyaa, ayada oo Denmark ay ku xigsatay Finland, ayna kusii xigaan Iceland, Switzerland iyo Netherland.

Mareykanka ayaa sanadkan sare usoo kacay saddex kaalin, wuxuuna soo galay 16-aad, halka Britain ay gashay kaalinta 17-aad. France ayaa gashay kaalinta 20-aad, taasi oo ah teedii ugu sareysay ee ay gasho abid.

Ka sokow farxadda guud ee qofka, haddana waxyaabaha la qiimeeyo waxaa ka mid ah xaaladda dhaqaale, taageerada bulsho iyo xoriyadda qofka, iyo sidoo kale heerka musuq-maasuqa.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo aan qiimeyn laga sameyn, waxaana dalalka la qiimeeyay ay gaaraan 146 dal.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran