Dhageyso: Biixi oo shaaciyay waxa lagu saleeyay go’aankii raafka reer Koonfureedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ayaa ka hadlay dadkii kasoo jeeday Koonfuurta Soomaaliya ee laga raafay qaar kamid ah magaalooyinka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dadka reer Koonfureed ee laga raafay Laascaanood iyo magaalooyin kale oo kamid ah Somaliland ay qaarkood ku lug lahaayeen falal amni darro ah.

“Magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay dhowr iyo sideetan qof oo u badna dadkii wax-galka ahaa. Dadka badankooda dambiilayaal ma aheyn ee waa lagu jiray oo waxay noqotay meel dambiilaha oo dhan uu ku dhuunto,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallabada ay qaadeen la buun-buuniyay, islamarkaana loo dhigay si xaqiiqda ka fog, ayada oo carabka uu ku adkeeyay in Somaliland ay markasta qaadeyso waxkasta oo ku ilaalineyso amaankeeda.

“Sababo amni ayaa dadkaas loo raray maanu xumeyn dadkaas, ee waxa akhrinayay kuwa kasoo horjeeda Somaliland oo buun-buuniyaya, kuwaasna warkooda nama dhibo oo waan ognahay.”

Muuse Biixi ayaa ku dooday in dadkaas si wanaagsan loola dhaqmay, loogana saaray deegaanada Somaliland, ayada oo xiligaas soo baxday in qoysaska la musaafuriyay qaarkood lagala hadhay hantidooda.

Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay go’aanka ay deegaanadeeda uga saartay kumanaan dad oo kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo sanado badan ku noola Somaliland, qaarkoodna ay ku dhasheenba.