Dhageyso: Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyay inuu ku biiray Al-Shabaab + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Sunne oo goordhoweyd la hadlay idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray xarkaada Al-Shabaab, kadib markii uu ka baxsaday deegaanada Somaliland.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan in uu ku sugan yahay dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, uuna u kala gudbi doono dhamaan wilaat-yaadka ay gacanta ku hayaan, si uu uga qeyb-qaato arrimaha faafinta dacwada.

“Wadankii aan ku dashay ee aan ka ahaa Nin ku howlan dacwada Islaamka ayaa waxa ku timid carqalad xoogan oo kaga timid nidaamka ka jira goobtaas. Waxaa si cad loogu faafinaya (Somaliland) dhaqan badal iyo diimaha gaalada, oo hadda ka hadasho aad adiga u cadiban tahay oo cida wadana lagu ilaalinayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Garsoorka iyo dhamaan laamaha amniga ee Somaliland ay gacanta ugu jiraan madaxda sare, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland u dhiban yihiin.

“Waxaa hadda ku suganahay qeybaha wilaat-yadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaa dhex mushaaxaya oo u kala gudbaya wilaat-yaadka 11-ka ah ee gacanta ku hayaan xarakatu Shabaab al-mujaahidiin.”

Sheekh Aadan Sunne ayaa ku dooday in deegaanada Al-Shabaab ay ka jirto masuuliyad Diimeed oo xaq ah, islamarkaana uu kala qeyb qaadanayo waxkasta oo awoodiisa iyo aqoontiisa ah, kalana qeyb qaadanayo, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in uu deegaanada Al-Shabaab u tagay si uga qabto xil sare, wuxuuna ku cel-celiyay in halkaas u tagay faafinta dacwada iyo masuuliyad diimeed oo la xiriirta faafinta dacwada.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa ay ka baxeen Somaliland, islamarkaana aysan jirin cid wax u dhintay isaga iyo qoyskiisaba, kadib markii uu maamulka xiray dhowr jeer.