Liiska Musharixiinta Galmudug ee is daawan geliyey oo lasoo saaray iyo siyaasi weyn oo laga waayey

Cadaado (Caasimadda Online) –Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa soo saaray liiska Musharixiinta isku diiwaan geliyey inay u tartamaan xilka madaxweynimo ee Galmudug.

Liiska lasoo saaray ayaa waxaa laga waayey Axmed Macalin Fiqi oo ay dhawaan soo baxeyn warar sheegayey inuu isku soo taagi doono xilkaas.

Guddiga ayaa xaqiijiyey inay xilkaas isku soo sharaxeen ilaa seddex musharax oo buuxiyey dhammaan shuruudihii la isaga baahnaa.

Gudoomiyaha gudiga Doorashada madaxweynaha Galmudug xildhibaan Maxamed Xasan Geelle, ayaa sheegay in ay is diiwaan galiyeen Ilaa Seddex Musharax oo u tagaan qabashada xilka madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay xilkaas isku soo taageyn:

1) Cabdulqaadir Shirwac

2) Axmed Ducaale Xaaf

3) Axmed Shariif.

Waxayna midaas caddeyn weyn u tahay inuusan Fiqi isku soo taagin xilka madaxweynimo ee Galmudug, waxaana la filayaa inay doorashada dhacdo 10-ka Bishaan inkastoo ay jiraan dadaalo ay dowladda wado kuwaas oo lagu doonayo in dib loogu dhigo doorashada si looga soo qeybgeliyo ururka Ahlu Sunna oo awood weyn ku leh Gobolada dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo u dhoofo Magaalada Cadaado si uu halkaas kulamo ugula soo qaato Madaxda Galmudug iyo xildhibaanada Baarlaamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com