Liverpool, Arsenal iyo Chelsea oo isku heysta Stefan de Vrij.

By Asad Cabdullahi Mataan

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa isha ku haaya daafaca lagu qiimeeyo 3.5 milyan oo ginni Stefan de Vrij, oo 20 jir ah, sida uu qoray wargeyska The Sun.

Macalinka Liverpool ayaa warbaahintu la xiriirineysaa inuu xidigaan soo qaadanayo marka uu Janaayo suuqu dib u furmo.

De Vrij ayaa ah kabtanka kooxda Feyenoord, wuxuuna xulkiisaHollandu saftay sedax bilood ka hor.

Rodgers ayaa loolan kala kulmi doona Chelsea, Arsenal iyo kooxo dhowr ah oo ka dhisan Bundesliga, kuwaas oo sidoo xidigaan xiiso u qaba.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.