Liverpool oo dooneysa inay Janaayo lasoo wareegto weeraryahanka Swansea Michu.

Kooxda ka dhisan Anfield Road Liverpool ayaa ciyaaryahan kale ka dooneysa kooxda ku ciyaarta Liberty Stadium ee Swansea City.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa xiiseynaya wiilka cusub ee Swansea City Michu wuxuuna doonayaa inuu keeno wiilka reer Spain gegeda Anfield ee ay ku ciyaarto Reds. Sida uu qoray Caught Offside.

26 jirkaan ayaa keliya July usoo dhaqaaqay Liberty Stadium wuxuuna guul waa weyn ka sameeyey kooxda ka dhisan Koonfurta Wales, isagoo lix gool shabaqa geliyey sagaal kulan uu uu ciyaaray Barclays Premier League tan iyo markii uu 1.7 milyan kaga soo dhaqaaqay Rayo Vallecano.

Rodgers ayaa Janaayo doonaya inuu iska dhiso booska weerarka wuxuuna diirada saarayaa weeraryahano quwad leh kuwaas oo xitta ka ciyaari kara booska kubad abuurka si uu ugu xoojiyo qadkiisa dhexe ee weerarka.

Michu ayaa sanadii hore qeyb ka ahaa kooxda Vallecano, wuxuuna 15 jeer shaqaqa soo taabtay ka hor inta uusan u dhaqaaqin EPL, tababaraha Liverpool ayaana u arka dooq fiican weeraryahankii hore ee Celta Vigo, kaasoo uu doonayo inuu kula midoobo kooxda ka dhisan gobolka Merseyside, laakiin tababarihii hore ee Swansea wey ku adkaan kartaa inuu ka dhaadhiciyo in koox ku jirta booska 12aad uu ku biiro xidigaani marka uu dib u furmo suuqa kala iibsigu.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada-Mogadishu.