Chelsea oo dooneysan mishiinka goolasha Milan Stephan El Shaarawy (Warbxin)

Chelsea ayaa raadineysa qorshe ay ku dhisto weerarkeeda habacsan iyadoo kooxda ka dhisan Stamford Bridge markaan lala xiriirinaayo da’yarka kooxda AC Milan Stephan El Shaarawy, sida uu qoray wargeyska Caught Offside ee kasoo baxa dalka Ingiriiska.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London milkiilaheeda Roman Abramovich ayaa rajo ka qaba inuu xidigaan usoo dhaqaajiyo kooxda heysata Horyaalka Yurub.

Ka dib markii Zlatan Ibrahimovic iyo Thiago Silva ay ku biireen kooxda PSG tababaraha Rossoneri Massimiliano Allegri ayaa fursad siiyey xidigaan uu ku ciyaaro weerarka wuxuuna u muuqdau mid kasoo iftiimay ka dib markii uu fure u noqday koox waayo xun ku dhex jirta.

Stephan El Shaarawy ayaa ahaa mishiinka goolasha Milan ka dib markii uu 11 kulan ku dhaliyey sideed gool, 20 jirkaan heerka caalami ee dalka Italy ayaana kooxda heshiis cusub qalinka ugu duugay bishii July.

Roberto Di Matteo ayaa arka inaysan kooxdiisu weerarka ugu tiirsanaan Karin Fernando Torres, kaasoo u muuqda inuusan weli kasoo bxin booskiisa, wuxuuna diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo ninka ay isku wadanka kasoo jeedaan.

Chelsea waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa mishiinka goolasha Atletico Madrid Radamel Falcao laakiin bilowgii fiicnaa ee kooxda La Liga ayaa noqon karta inay weydiistaan Abramovich lacag uusan u qalmin weeraryahankoodu, El Shaarawy ayeyna u arakaan mid ka sahlan iyadoona u ugu gambanayaan da’yar ahaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada-Mogadishu.