Javier Zanetti: Waan u qalanay inaan jebino Rikoorkii duul darro la’aanta Juventus.

Kabtanka kooxda Inter Javier Zanetti ayaa guul taariikhi ah ku sheegay ka dib markii ay soo afjareen rikoorkii Juventus ee ahaa inaan 49 kulan dhinacooda dhulka la dhigan taasoo Inter ka saaciday inay booska labaad ka fariisato Italian Serie A.

“Haa, waa guul taariikhi ah, waana ka awood badneyn. Waan ogeyn in Juventus aan waayo badan dhinaceeda dhulka la dhigin waana u qalanay inaan boosaska sarre kasoo galno horyaalka,” ayuu yiri ka dib kulankii 3-1 ay ugu awood sheegteen Juventus.

Inter Milan ayaa soo afjartay laba Rikoor oo Juventus u sano jirsan rabay ka dib markii ay ku garaacday garoonkeeda Juventus Arena iyadoo ay usii dheertahay in laga jebiyey Rikoor ahaa inaan 49 kulan dhinaceeda dhulka la dhigin.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada-Mogadishu.