Liverpool oo isha la raaceysa xidiga qadka dhexe ee Schalke 04 Lewis Holtby.

Liverpool ayaa xoogeeda oo dhan isugu geyn doonta sidii ay kula soo wareegi laheyd da’yarka kooxda Schalke 04 Lewis Holtby waxayna doonayaan inay 22 jirkaan ku helaan beeca xorta ah xagaaga soo aadan.

Shabakada Goal.com  ayaa ogaatay in Reds ay isha ku heyso inay Janaayo soo qaadato Holtby, ka dib markii ay xiiseheeda u bandhigtay xidiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda ka dhisan Bundesliga, kaasoo aabihi uu kasoo jeedo gobolka Merseyside.

Schalke ayaa la ogyahay inuusan damac badan uga jirin sii heysashada ciyaaryahankii hore ee Alemannia Aachen waxayna u arkaan mid ku eg ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la faham san yahay inay ku doonayaan 7 milyan oo euro una dhiganta 5.5 milyan oo ginni, hadii aysan iska iibin Janaayo wuxuu xor u noqon doonaa inuu ku biiro kooxdii uu doorto.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.