Lix arrimood oo la filayo inay dhacaan wejiga labaad ee dagaalka AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku jirta isku diyaarintii u dambeysay ee wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay wajigii koowaad ee dagaalka lagu qaaday kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Haddaba, maxaa la filayaa inay dhacaan wajiga labaad ee dagaalkan?

1. Ciidan cusub: Illaa shan iyo toban kun oo askari ayay dowladda federaalka u diyaarineysa in lagu biiriyo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Ciidankan cusub ayaa la barayaa aas-aaska hanaanka ciidannimada iyo dagaalka furimaha. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka aqbashay madaxweynaha SOomaaliya inay ka kaalmeyso tababarada degdega ah ee ciidankan.

Racii koowaad ee ciidankan waxaa lagu soo tababaray Uganda, waxaana durba la bilaabay in lagu soo celiyo dalka si ay uga qeyb noqdaan dagaalka. Ciidan yaridu halkaas ayay ku dhamaaneysa waana mid kamid ah waxyaabaha muhiimka ah ee la filayo wajiga koowaad ee dagaalka.

2. Dalalka safka hore: Shirkii dhawaan Muqdisho ka dhacay ee madaxda dalalka deriska la’ah Soomaaliya waxaa lagu go’aamiyay in Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay toos uga qeyb-qaatan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, maadaama kooxda ay tahay mid halis ku ah gobolka oo dhan.

Waxaa la filayaa in dhawaan ciidanka dalalkaas ah in uu dalka soo galo, gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay wajiga labaad ee dagaalka uga qeyb-qaatan.

Tirada ciidankan iyo heerka daacadnimadooda ayaa dadka qaar su’aal ka qabaan. Dowladda Itoobiy ayaa si teel-teel ah u billowday ciidan soo dirista.

3. Dib u nooleynta kacdoonka beelaha: Mid kamid ah waxyaabaha sababay in Al-Shabaab lagu jabiyo wajigii hore ee dagaalka waxaa loo arka in qabaa’iilada ay naceen dhaqanka kooxda kadibna ay go’aansadeen inay iska saaran.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa muuqday xooga gadood iyo gaabis ah oo dhanka qabiilada ah. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ayaa la sheegaya inay hadda ku mashquulsan yihiin sidii dib loogu abaabuli lahaa dareenka qabiilada ee Al-Shabaab diidka ah.

4. Duqeymaha cirka: Duqeymaha cirka waxay kamid yihiin sababaha Al-Shabaab ku qasbay inay dhul badan ka baxaan, dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa qaadanayay kaalintaas.

Hadda waxaa jira warar sheegaya inay dowladda federaalka ah raadineyso in dowlad kale ka qeyb qaadato duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab, taas oo haddii ay suurtowdo sahli doonta in kooxda si fiican loo wiiqo.

5. Xasillinta: Dowladda federaalka ah ayaa si toos ah u bilaabin barnaamijka xasillinta ee deegaanadii laga saaray kooxda Al-Shabaab. Dhowr dowladdood oo caalami ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawinayaan kaalmada ay dib ugu qaabeynayso qeybaha nolosha ee bulshada degan goobihii laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Barnaamijkan ayaa wajigiisa hore la qiyaasa inay ku bixi karto dhowr boqol oo milyan oo doolar.

6. Dhowr furimood: Al-Shabaab weli qeybo aan badneyn ayay ka joogaan Galmudug, Galbeedka Hiiraan ayay sidoo kale weli ku xooggan yihiin, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed wax shaqo ah oo rasmi ah lagama qaban wajigii koowaad ee dagaalka.

Lixdaan arrimood ayaa la kowsan doona sida la rajeynaayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qorshaha wajiga labaad uu ku billaabanayo

Sida aan kasoo xiganay xubno ku dhaw-dhaw Villa Somalia, wajiga labaad ee dagaalku wuxuu halmar ka wada bilaaban doona dhowr maamul-goboleed, waana mid kamid ah qorshooyinka hadda dejintooda lagu mashquulsan yahay.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa dhawaan sheegay inuu socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee howl-galadaasi uga billaaban lahaayeen dalka.

Guutaale ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqdo kii dalka guud ahaan looga xoreyn lahaa kooxda, oo ayadu weli gacanta ku haysa deegaano muhiim ah.

“Howl-gallo xoog leh oo baaxad leh ayaa la rabaa in la qaado, waxaa u rajeynayaa in ciidamada guul Ilaahay siiyo. Sidoo kale waxaa rajeynayaa in Ramadaankan uu noqdo Ramadaankii Khawaarij iyo Soomaaliya u kala dhamaan laheyd,” ayuu yiri.

Muxuu kusoo idlaanaya wajiga 1-aad?

Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka gaareen guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

“Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saxiibada caalamka ayaa waxay halgan xooggan kadib ay gacanta ku dhigeen in kabadan 70-gobood,” sida lagu shaaciyay bandhigga Waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deegaanada lagu xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka socda ayaa waxay isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah.

Waxaa la isku furay waddooyinka u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan, Buulabarde iyo Maxaas, ayada oo dowladda sheegtay in laga hortagay dhaq-dhaqaaqa kooxda iyo gurmadka oo laga jaray goobihii muhiimka u ahaa ee ay isaga kala gooshi jireen sida Buundada Xawaadley.

Wajiga koowaad ee dagaalka socda oo hadda gaba-gabo ah ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay illaa 3,00 oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, laguna dhaawacay 3,700 oo kale, kuwaasi oo ku jiraan horjoogayaal muddo la raadinayay, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.