Daawo: DF oo shaacisay tirada Al-Shabab ee lagu dilay wejiga koowaad ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wejigii koowaad ee howlagallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab lagu guuleystay in lagu xoreeyo dhul ballaaran oo muhiim ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladaas oo uu ku sheegay inay guuleysteen lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, lagu dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in guul weyn laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab, isla-markaana la xiray in ka badan 250 akoon oo ay laheyd kooxda.

“Dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha dowladda federaalka waxaa dadaal-gelisay sidii loo cuuryaamin lahaa garabka dhaqaalaha ee kooxda Khawaarijta ah. DF ayaa kuu guuleysatay inay xirto wax ka badan 250 xisaabaad oo ka furnaa ilaa 4 Banki ” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan ku howlan tahay sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa ciidamo Boolis ah, si halkaas loo gaarsiiyo adeegyada dowladda iyo kuwa aas aasiga u ah nolosha bani’aadanka.

“Booliska Soomaaliyeed ayaa ku howlan gaarsiinta adeegga Booliska bulshada ku dhaqan deegaanada laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah,” ayuu markale yiri Wasiir Jaamac.

Soomaaliya waxaa haatan ku jira marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo intiisa badan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.