Madaxweyne XASAN Sheekh oo war aan la fileyn kasoo saaray kheyraadka badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad dheer ka jeediyay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay arrimaha kalluumeysiga iyo kheyraadka ku jira badda Soomaaliya, isaga oo saaray war aan la fileyn oo ku aadan sida ay maraakiibta shisheeye uga macaashaan xeebaha dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u dul-istaagay heshiisyada dowladda ee ku aadan kalluumeysiga badda Soomaaliya, si looga faa’iideysto.

Khudbaddan ayaa madaxweynaha waxa uu ku shaaciyay in 30-kii sanno ee lasoo dhaafay biyaha Soomaaliya looga kalluumeysanayay si sharci darro ah, isaga oo caddeeyay in kun markab ay haatan ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay la baxaan, isla-markaana ay xaalufinayaan kheyraadka kala duwan ee biyaha Soomaaliya.

“Maalin walba waxaad idaacadaha iyo social mediyaha ka maqashaan kuwa taagan oo dhahaya baddii waala la xaalufiyay. Caawa oo aan intaan ku hadlayno kun markab ka badan ayaa ku jira baddeena, oo kalluunkeennii daldalanaya oo mid kamida oo wax naga siinaya aanu jirin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qiray in badda Soomaaliya aan loo haynin dhaqaale lagu ilaaliyo, balse loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu wajahayo arrintaasi.

“Baddeena inaan ilaalsano dhaqaaley u baahan tahay marka hore. Dhaqaalahaas waa inaan iyada ka keennaa oo aan dhahnaa shirkad hebel 10 sano baddeena ka kalluumayso, waxaas ayaana ka rabnaa ee nasii,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale ayaa tilmaamauy in heshiisyada caalamiga ah ee ay gasho dowladda federaalka la siyaasadeeyo, ayada oo fasiraad qaldan loo gudbinayo shacabka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in dowladdiisa ay xoogga saari doono dhaqan-gelinta heshiisyadaasi, si ay Soomaaliya uga kallumeystaan shirkado caalami ah oo dhaqaale siinaya Soomaaliya

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan meel marisay sharci gaar ah oo dhiiri-gelinaya maalgashiga badda, kaas oo la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya, walow ay sharcigaas ka hortimid dowlad goboleedka Puntland ee fadhigeedu yahay Garoowe