Taliyeyaasha booliska gobolka BANAADIR oo isbeddal lagu sameeyay maanta (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa isbeddal ku sameeyay inta badan taliyeyaasha Booliska ee magaalada Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa isku shaandheyn uu sameeyay waxa ay saameysay taliyeyaasha qaybaha iyo kuwa saldhigyada ee degmooyinka gobolka Banaadir, ayada oo sidoo kale saraakiisha qaar ay xilalkoodii waayeen, halka kuwa kale oo cusubna la magacaabay.

Wareegtada kasoo baxay xafiiska taliyaha guud ee Booliska ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xilka taliyaha qaybta Waliyow Cadde loogu magacaabay Gaashaanle Daa’uud Caraale, halka taliyaha qaybta Bari ee gobolka Banaadir loo magacaabay, Macallin Aadan.

Sidoo kale Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin ayaa isna loo magacaabay taliyaha qaybta Galbeed, ayada oo xilkaas laga qaaday Yaasiin Farey.

Sidoo kale waxaa la’isku beddalay qaar kamid ah taliyeyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir, waxayna wareegtada u saameysay sidatan:-

Taliyaha saldhigga degmada Kaaraan ayaa loo magacaabay degmada Dharkenley, halka taliyaha saldhigga Dharkenley isna loo beddalay degmada Cabdicasiis.

Dhankiisa taliyaha saldhiga degmada Cabdicasiis ayaa waxaa la geeyay saldhigga Waaberi, ayada oo xilkaas laga qaaday taliyihii horay u hayey

Sidoo kale taliyaha saldhigga degmada Shibis ayaa waxaa loo beddalay degmada Yaaqshiid, sida ku cad wareegtada.

Dhinaca kale waxaa taliyeyaal cusub loo magacaabay saldhigyada booliska ee degmooyinka Xamarweyne & Xamarjajab, kadib xilalka laga qaaday taliyeyaashii joogay degmooyinkaas.

Si kastaba, isbeddalkan ayaa kusoo aadayo, ayada haatan dowladda Soomaaliya ay qorshe gaar ah u dajisay sugidda amniga caasimada, maadaama la galayo bisha Barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago weeraro ay bishaan gudadeeda fuliso kooxda Al-Shabaab.