Maxaa ka jirra in weerarkii WESTGATE MALL in lagu diyaariyay Dhadhabaab?

Nairobi (Caasimada Online) Wargayska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa maanta oo Axad ah qoray warar uu sheegay in uu laga helay hey’addaha sirdoonka dalkaas, kuwaasoo ah in raggii fuliyay weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta dukaamada ee Westgate ee Nairobi laga soo qaaday xerada qoxootiga Dhadhaab ee gobalka Waqooyi Berri Kenya.

Wargeyska ayaa leh dhammaan lixda nin ee fuliyay weerarkaas ayaa bishii September waxaa diyaarad nooca Helicopters -ka looga qaaday xerada Dhadhabaab isla markaana loo duuliyay magaalada Nairobi.

Saraakiisha warkan laga soo xigtay, ayaa leh diyaarada ay raaceen raggan waxaa leh sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

Si kastaba, wararkan ilaa hadda lama hayo wax faafin ah oo intaas ka ballaaran, waxaana socda weli baaritaano sida ay lee yihiin laamaha sirdoonka Kenya.

Dhowr cisho ka hor ayey ahayd markii la helay heybta mid ka mid ah raggii fuliyay weerarka Westgate, wuxuuna noqday Soomaali heesta dhalashada dalka Norway, Xuseen Cabdi Dhuxulow.

Dhuxulow oo 23-jir ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa ragga laga arkay kaamirada CCTV ee ku xirneed xarunta, mana cadda ninkan in uu ku dhintay weerarka inta uu socday iyo in nool yahay.

Dad qaar ayaa aaminsan in eedeynta cusub ee Kenya ay tahay mid ay ugu sii gogol xaaraneyso inay dib usoo celiso qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab, taasi oo caalamka hore uu uga diiday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com