Shan sano kadib oo maanta toogasho lagu fuliyey ninkii dilay wasiir Cabaas Siraaji

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn saaka aroortii hore toogasho ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi (Caydiid) oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Toogashada lagu fuliyey ninkan ayaa ka dhacday dugsiga tababarka General Gordan ee Muqdisho, waxaana soo dhoweeyey ehelada wasiir Siraaji oo muddo 5 sano ah sugayey in cadaalad uu helo wiilkooda.

Maxamuud Siraaji oo la dhashay wasiirka la dilay ayaa shaaciyey in ugu dambeyn ay guuleysatay cadaaddii ay muddada dheer sugayeen.

“Cadaaladda ayaa ugu dambeyntii guuleysatay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Axmed Cabdullahi oo saaka la toogtay ayaa ahaa askari ka tirsanaa ilaalada hanti dhowrkii hore ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, wuxuuna dilka wasiirka ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa guul dareystay dadaalo ay wadday shantii sano ee lasoo dhaafay beesha uu kasoo jeedo askariga saaka la toogtay oo dooneysay in si hoose xal looga gaaro kiiskan, balse waxaa arrintaas ku gacan seeray oo ka horyimid ehellada wasiir Cabaas.

AUN Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.