Lix waddan oo wali uu ku dambeeyo xukunka kaligii taliska ee qaarada Afrika

Wadamada ku yaala Qaarada afrika waa ay caan ku yihiin xukunka kaligii talisnimada ee caalamka ka jira oo qofka muddo dheer uu kursiga ku fadhiyo iyado oo aaney jirin cid la xisaabtanto ama doorashada kula tartanta.

Balse hada waxaa socda kacdoonkii afrika oo shacabka wadamada uu ka jiro xukunka dikteetarka ay ceerinayaan hogaamiyaha awood kursiga ugu fadhiyo.

Kuwa la Tuuray

1-Waxay arrintan markii ugu horreysay billaabatay bishii Janaayo ee sannadkii 2012-kii, markii markii kacdoon xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Senegal Abdoulaye Wade ka dib markii uu 12 sano awoodda heystay.

Wade, oo hadda 93 jir ah ayaa madaxweyne ahaa tan iyo sannadkii 2000.

2- Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso Blaise Compaore oo isagoo xilka hayay 27 sano maamulkiisa lasoo afjaray sannadkii 2014-kii, xilligaasoo mudaharaadyo rabshado wata ay gilgilayeen guud ahaan waddanka.

3-Hoggaamiyihii ugu waqtiga dheeraa Afrika Robert Mugabe ayaa xukunkiisa lasoo afjaray 21-kii bishiiNofembar ee sannadkii 2017-kii. Kaas oo kursiga awood ugu fadhiyey muddo 30 sano ah (1987-2017).

4- 2-dii bishan Abriil, 2019-ka, ayuu iscasilay madaxweynihii dalka Algeria Cabdicasiis Butafliiqa.

Waxaa salfaday mudaharaadyo nabadeed oo guud ahaan dalkaas ka socday muddo 6 isbuuc ah, waxaana waday dad dhalinyaro ah oo dalbanayay in lasoo afjaro xukunkiisa jiray 20-ka sano.

5- Shalay oo khamiis ah, 11-ka bisha Abriil, 2019-ka, waxaa xilka laga xayuubiyay madaxweynihii xukunka dheeraa ee dalka Suudaan, Cumar Xasan Albashiir, ka dib markii ay heerkii ugu xumaa gaareen mudaharaadyo ay shacabka uga soo horjeedeen maamulkiisa.

Waxaa uu dalka ka talinaye tan iyo 1989 xiligaas oo uu la wareegay Xukunka Dalka Suudan.

Shantaba madaxweynayaashan Si Awood leh ayaa xilka loogu tuuray.balse waxaa jira madax kale oo kaligii talisyo ah balse Iskood xilka isaga tagay kuwaan lakiin kacdoon baa lagu saaray.

-HADABA Waa Kuwee ku haray.

1- Paul Biya, Madaxweynaha Cameroon

Biya oo 86 jir ah waxaa loo aqoonsan yahay hoggaamiyaha Afrikaanka ah ee ugu muddada dheer, isagoo xilka madaxtinnimada Cameroon hayay tan iyo 6-dii bishii Nofembar ee sannadkii 1982-kii.

waxaa uu horay usoo noqday ra’iisul wasaaraha Cameroon intii u dhaxeysay sannadihii 1975-kii ilaa 1982-kii.

Wuxuu xilka kala wareegay Ahidjo ka dib markii uu iscasilay sannadkii 1982-kii.

2- Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, madaxwaynaha dalka Equatorial Guinea

Obiang wuxuu afgambi milatari ku riday adeerkiis, Francisco Macías Nguema, bishii Agoosto ee sannadkii 1979-kii, tan iyo xilligaasna wuxuu xukumayay dalka Equatorial Guinea.

3-Brazzaville Denis Sassou Nguesso, madaxwaynaha dalka Congo

Madaxweyne Nguesso wuxuu xafiiska ku sugnaa muddo 34 sano ah, isagoo markii ugu horreysay xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 1979-kii ilaa 1992-kii, ka hor inta uusan xilka ku noqonin sannadkii 1997-kii, ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye. Isla markale 2016 ayaa dib loo doortay Ninkan.

4- Yoweri kaguta Museveni, madaxwaynaha Uganda

Waad wada garaneysan Ninkan,Waxaaa uu xilka la wareegay sanadkii 1986-dii,Waxaa uu kala wareegay Milton obote oo kaliya Dalka xukumaye sanadihii 1980-1985.

Museveni waxaa uu xukunka ka tuuray Idil amin oo intii u dhaxeysay 1971 ilaa 1979kii xukumayey Uganda.

5- Idriss Deby, Madaxwaynaha dalka Chad

Waxaa uu xukunka la wareegay sanadii 1990kii,markii shanaad si uu muran ku jiro ayuu ugu guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee dhacday bishii Abriil ee sannadkii 2016-kii.

Deby wuxuu xilka madaxweynaha hayaa ku dhawaad 29 sano oo xiriir ah.

6- Isaias Afwerki, madaxwaynaha Eritrea

Isaias Waa madaxwaynihii ugu horeeye dalka Ereteriya,talada ayuu hayaa tan iyo markii wadankaas uu xurnimada qaatay sanadii 1993-dii.

Afrika wali waa lagu dambeeyaa dimuqraadiyad iyo Cadaaladna kaalmaha sare kama galaan,Hadaba ma taageersan tahay Isbadalka sideesa u aragtaa?

SOURCE. Citizen Kenya, BBC Africa.
Waxaa qoray Yaxye Mohamud Young