Lixda ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga (Qeybtii 5-aad)

WAXBARASHADA ILMO XOOGSADE iyo DHIBAATOOYINKA KA HAYSTA: Ayadoo ILMO XOOGSADE ay dhibaato ku qabeen ka hor 1991 helitaanka jaamacadda dalka ee dowliga ahaa iyo aaditaanka waxbarasho ee dibadda xaalado markaas jiray aawood  ayaa  bartamahii 90meeyadi aqoon yahanno u badnaa ILMO XOOGSADE waxay billaabeen dhismo iskuulaad oo ay jaamacado ku jiraan, garwadeenna ka ahaayeen ururro diimeed uu ugu tunweynaa AL-ISLAAX oo macaawino ka helaayay dowladaha KHALIIJKA iyo SUUDAAN.
 
Iskuulladaas oo watay magacyo CARBEED haba u badnaadeen shaqsiyaad magac ku lahaa Islaamka ayaa waxaa barbar socday Iskuulaad gaar loo lee yahay (private English schools) oo lagu barto afka INGARIISKA.
 
ISKUULADA  qaar ayaa ardayda ugu sarreysa imtixaanaadka loo qaadi Jiray dalal carbeed sida Sudan iyo qaar kale in kastoo sanooyinkii dambe qaar badan loo qaaday Turkey iyo wadama kale . Qaaditaanka ardayda dibadda kama marneyn musuqmaasuq iyo qabyaalad.
 
Waxaa la sheegaa arday badan oo ka qalin jibisay wax barashadaasi iyo qaar weli dhigta in ay ka mid yihiin urura diimeddka uga soo horjeedo dowladda si toos ah iyo si dadban.
 
Sidoo kale, arday badan oo jaamacadda ka qalin jibisay iyo qaar dhigta ayaa ururradaasi ku biira marka ciidamada dowladda xabsiga dhigaan dambi la’aan si looga qaado lacag baad ah ayadoo qaar kood ugu biiraan urur diimeedka dhanka dhaqaalo doonka maadaama aysan heli karin quutu daruurigooda.
 
Urur diimeedyadaasi oo qaarkood qaraxyo badan iyo gummaad shacab ka geysta deegaanka ILMO XOOGSADE ayaa waxay dhawaan soo saareen DIGNIIN culus oo la xiriirta degaanka ILMO XOOGSADE.
 
AFHAYEENKA URUR DIIMEEDKAAS ayaa ku dhawaaqay in aan afka INGRIISIGA lagu baran karin ISKUULAADKA taas oo si toos ah ugu wajahan degaanka ILMO XOOGSADE.
 
DIGNIINTAN ayaan si toos ah ugu socon deegaannada kale maadaama urur diimeedkan awood badan ku laheeyn degaannada ILMO XUKUN KU NOOL IYO ILMO EED-QABE.
 
AFHAYEENKA ururkan oo ka soo jeeda ILMO XOOGSADE ayaan dan ka lahayn dhibaatada dhinacyada badan ee haysata ILMO XOOGSADE.
 
Degaanka ILMO XOOGSADE oo dhibaato dhinacyo badan ka haysata ayaa hadda loogu kordhiyay in aysan baran AFKA IGRIISKA si loo curyaamiyo waxbarashadooda ayadoo aysan jirin cid arrintaas uga damqaneyda lagana yaabo in albaabada loo laabo goobaha lagu barto afka INGRIISKA oo ay jaamacadaha ku jiraan.
 
ILMO XOOGSADE oo horay loogu soo ciriiriyay degaankooda, kana naafoobay dhanka siyaasadda, kuna socoto billowgii burburinta hantidooda ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa in laga curyaamiyo dhanka waxbarashada gaar ahaan dalka gudihiisa.
 

La soco qeybta dambe…
Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)
moalim25@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com