Puntland oo amar kusoo rogtay diyaaradaha ka daga Buuhoodle

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa amaro cusub kasoo saaray garoonka diyaaradaha ee degmada Buuhoodle, halkaasi oo maalmahaan diyaarado kala duwan ay ka dagayeen.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ku dhawaaqay in markale garoonka diyaaradaha ee degmada Buuhoodle aysan ku dagi karin diyaara aysan ka warqabin.

Kusimaha xilka madaxweynaha Puntlande C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay go’aano ku gaartay Duulimaadyada diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Ceyn, wuxuuna ka digay in diyaaraduhu ay iska tagaan garoonka diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle.

Wuxuu xusay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland in diyaaradii ka dagaysa garoonkaasi, ay soo marto Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee Maamulka Puntland, maadama ay hawadasi iyagu Maamulaan.

Wuxuuna iska fageeyay in dano siyaasadeed ay ku hoosjiraan Go’aanka ay puntland ku hakisay duulimaadyada magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Ceyn , oo ay horay u isticmaali jireen Siyaasiyiinta maamulka Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com