Xog: Sawirro muujinaya loolaanka Imaaraadka iyo Turkiga ee Somalia

Loolanka u dhaxeeya dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa gaaray heer aan hore loo arkin, iyadoo safiirada labada dal u jooga magaalada Muqdisho ay ku loolamayaan kala jiidashada madaxda dalka.

Imaaraadka Carabta ayaa hore ugu ekeyd madaxda sare sid madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la sheegay inay saameyn weyn ku yeelatay, laakiin waxaa hadda muuqata inay hoos ugu socoto wasiirada xukuumadda iyo madaxda kale ee dowladda.

Socdaalkii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee Imaaraadka ayaa dhaliyay shaki weyn oo ku saabsan in dowladda Soomaaliy aya u wareegtay dowladda Imaaraadka oo loolan kula jirta doorka Turkiga ku leeyahay Soomaaliya. Laakiin madaxweynaha Turkiga wuxuu telefoon u soo diray madaxweynaha Soomaaliya oo wadahadal ku yeesheen, iyadoo ay ahayd markii labaad ee ay labada hogaamiye telefoonka ku wadahadlaan.

Wasiirada xukuumadda Soomaaliya, madaxda maamulada dalka iyo hogaamiyeyaasha bulshada ayaa si joogto ah u booqda safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Turkiga noqday dalka ugu saameynta badan Soomaaliya doorkaas oo hadda Imaaraadka uu kula loolamayo.

Ololaha labada dal waxaa kala hogaaminaya safiirada labada dal ee Muqdisho Maxamed Axmed Cusmani oo Imaaraadka ah iyo Olgan Bekar, waxaana xaaladda si adkeeyay markii safiirka Imaaraadka uu xoojiyay ololihiisa

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xigasho: Goobjooge