Loolan cusub iyo dagaal siyaasadeed ka adag midkii hore oo ka qarxay Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Ayada oo loolankii u dhaxeeyay dowladda iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore.

Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb.

Go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku buriyay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu-Suna iyo Galmudug, dibna ugu celiyay Cadaado inay tahay caasimaddii KMG aheyd waxay albaabada u furtay in Cadaado ay mar kale noqoto mid wax ka go’aamiso masiirka Galmudug.

Hase yeeshee waxaa taas kasoo horjeeda oo in saameyntooda ay meesha ka baxdo aan ogolaan doonin Ahlu-Sunna iyo siyaasiyiinta reer Dhuusomareeb.

Dowladda Federaalka ayaa isku daygeedii hore ahaa la xaajoodka Ahlu-Ssuna, iyadoo inay kasbato oo ay qanciso ku bixisay waqti fara badan, kaddib markii ay horay ugu guuldareysatay inay wada xaajood la gaarto Xaaf.

Dooda ugu badan iyo caqabadaha soo bixi doona maalmaha soo socda ayaa noqon doona goobta la isku raacsan yahay inay ka dhacdo doorashada Galmudug, maadaama horay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u iclaamisay inay ka dhaceyso Dhuusamareeb, halka Madaxweynaha xilka haya Xaaf uu ku dhawaaqay in Cadaado ka dhacdo, maadaama ay tahay Xaruntii Baarlamaanka Galmudug.

Xaaf ayaa waxaa ku biiray inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Cadaado ee Saleebaan oo aan dooneyn inay meesha ka baxdo saameynta magaaladodoa, halka siyaasiyiinta Ceyr ay garab siinayaan kooxda Ahlu-Sunna

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Cadaado kula kulmay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda.

Sida aan xogta ku helnay waxyaabaha uu kala hadlay waxaa ka mid ah magaaladii la isku raaci lahaa inay doorashada marti-geliso, hase yeeshee wax is-afgarad ah lagama gaarin arrintaas.

Maalmaha soo socda ayaan la ogaan doonaa halka loolanka cusub uu ku dambeeyo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com