Nin madaxweyne Biixi ku aflagaadeeyay Facebook oo xukun adag lagu riday

Hargeysa (Caasimada Onine) – Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa waxaa saaka xukun xasbi ah ku riday maxkamadda darajada koowaad gobolka Maroodi-Jeex ee maamulka Somaliland.

Wiilkan oo ku dhawaad labo bil ku xirnaa Hargeysa ayaa lagu eedeeyay in bartiisa gaarka ah ee Facebook ku aflagaadeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa lix bil ah oo xabsi ah ku xukuntay ninkaasi, kadib markii saaka la horgeeyay.

Maxamed Sidiiq dhamme ayaa ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xukunkan uu racfan ka qaatay mas’uulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xisbiga uu ka tirsanaa ee Wadani haatan uu wado dadaallo si damaanad ah loogu sii deynaayo wiilkaasi.

Somaliland ayaa inta badan xarig kula dhaqaaqda xubnaha mucaaradka ee ku sugan deegaanadeeda, waxaana maamulkaasi lagu eedeeyaa caburin joogta ah.

Dhawaan ayey aheyd markii la sii daayey Xildhibaan Dhakool oo muddo xirnaa, kadib markii uu ka soo horjeesay xuska 18-ka May ee Somaliland.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com