Loolan ka dhex-billowday xarunta BF iyo qorshe lagu fashilinayo kulanka berri

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Muqdisho ka billowday loolan adag u u dhaxeeya xildhibaano kala taabacsan ra’iisul wasaare Rooble iyo kuwa kale oo taageersan Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kulan xildhibaanada baarlamaanka beri ku yeelanayaan xaruntooda oo looga hadlayo xeerka doorashada guddoonka labada aqal la billaabay olole lagu fashilnayo.

Kooxda Rooble ayaa isku dayeysa inay dedejiso kulamada baarlamanka, si deg deg loogu doorto guddoonka, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga Fahad ayaa weli xayiran, balse waxaa jirta xog sheegeysa in Maxkamadda Sare ay fasixi doonto, taasi oo kooxda Rooble iyo guddiga doorashada ku qasbeysa inay si cad u diidaan go’aanka Maxkamadda ama fasaxaan kursiga.

Xildhibaano ka tirsan labada aqal baarlamaanka ayaa koxoda Fahad iyo Farmaajo diyaariyeen inay fowdo ka dhex abuuraan kulanka si dib u dhac ugu yimaado doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal, loogana hortago qorshaha Rooble.

Sida ku cad jadwal doorasho oo ay heshay Caasimada Online, waxaa la filayaa in doorashada guddoonka ay dhacdo 27-ka bishan.

Waxaa sidoo kale qorshaha fashilinta kulanka qeyb ka ah madaxweyne goboleedyo taabacsan Fahad, oo lasoo hadlay xildhibaano ku xiran.

Tiro xildhibaano ah ayaa laga dhaadhiciyay qorshaha inay fowdo iyo diidmo ka sameeyaan kulanka beri ee baarlamaanka u madalsan yahay.

Dhinaca kale, waxaa qorshaha socda ka digay xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa kasoo horjeeda siyaasadda Villa Somalia.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in caawa la abaabulayo xildhibaano beri fowdo ka sameeya kulanka baarlamaanka, si doorashada guddoonka baarlamaanka dib ugu dhacdo.

“Waa qar-iska tuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed, waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay isku-dayo nuucaan oo kale,” ayuu ku yiri qoraalkiisa xildhibaan Mahad Salaad.