Loolan u dhaxeeya Iran iyo Sacuudiga oo ka qarxay dal kale oo Asia ku yaalla

Islamabad (Caasimada Online) – Iran iyo Sucuudiga waxa ay u xusul duubayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen dowladda cusub ee Pakistaan taas oo uu hoggaaminayo Imran Khan.

Labadaba dano ayey ka leeyihiin, yeelkeede, Sucuudiga waxaa wiiqay dagaalka Yaman oo aan la jecleyn Pakistan.

Pakistan waxa ay ku taal meel muhiim u wada ah Riyaad iyo Tehraan. Pakistaan waa wadanka labaad ee ugu Muslinka badan aduunka wana wadanka qura ee Muslinka ah ee haysta hubka Nukliyeerka. In ka badan 1.5m oo Pakistaniyiin ah ayaa ku nool Boqortooyada.

Dhinaca kale, Pakistan iyo Iran waxa ay wadagaan xuduud 900km ah gaar ahaan dhinaca Balchuistan. Dadka Pakistan waxaa ku jira qowmiyadda Shiite ee laga tirada badan yahay, 30% ayey ka yihiin dadka dalkaas. Loolanka Sucuudiga iyo Iran ugu jiraan dunida Muslinka, Pakistan aad ayey muhiim ugu tahay.

Raisul Wasaaraha Pakistan waxa uu sheegay in Pakistan dooneyso “Door wanaagsan” in ay ka ciyaarto siyaasadda u dhexeysa Sacuudi Careebiya iyo Iran.

Waxa uu telefoonka kula hadlay hoggaamiyeyaasha labada dal tan iyo markii la doortay waxa uuna rejeynayaa in uu labadoodaba booqdo bilowga waqtigiisa xilka.

Saaxiibo dhaw ayey ahaayeen Pakistan iyo Sucuudiga, balse waxa uu xiriirkooda xumaaday wixii ka dambeeyey dagalka Yaman.

Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah Maxamed bin Salmaan waxa ay doonayeen in Pakistan ku soo biirto dadaalada lagula dagalamayo Xuutiyiinta.

Boqortooyadu waxa ay dooneysay in ciidanka Pakistan ku soo biiraan dagaalka.

Shaqsiga qura ee sida muuqata uga soo horjeeda xiriirka boqortooyada ee ku jira xisbiga cadaaladda waa Shireen Mazari, waxa ay ka soo qallin jabiyey dugsiga dhaqaalaha ee London iyo Jaamacadda Columbia, hadda waa wasiirka arrimaha bini’aadannimada ee xukumadda Khan.

Mazari waxa ay hormuud u ahayd dhalleeceynta Sacuudiga loogu jeedinayo dagaalka Yaman waxa ayna sheegtay in dowladdii hore aysan daacad ahayn maadama ay tababareyaal u dirtay dagaalka.

Sidoo kale waxa ay u ol’oleeysaa sidii loo furi lahaa dhuumaha shidaalka Pakistan iyo Iran iyo sidii Iran looga kaashan lahaa joojinta dagaalka Yaman.

Wasiirka arrimaha dibada ee Iran Mohammad Javid Zarif ku soo wajahan dhawaan Islamabad sida xoghayaha arrimaha dibadda ee USA, Mike Pompeo.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi oo ah khabiir ayaa ku tilmaamay callaamad wanaagsan imaanshaha wasiirka arrimaha dibedda ee Iran.

Sucuudiga iyo Iran waxa ay xiriiro qotodheer la leeyihiin maleeshiyaadka Sunniga iyo Shiicadda, ku was oo xaaladda gudaha Pakistan qarxin kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com