Xagee bey ku dambeysay jabhadii mucaaradka ee ka dillaacday Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegaya in lagu guuleystay kala dhantaalida madaxda Jabhada Dib u xoreynta Somaliland ee dhawaan ka goostay maamulka.

Jabhadan oo ay ku mideysan yihiin Saraakiil ka tirsanaa ciidamada maamulka ayaa iminka kala jabay, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay dib ugu soo goosten maamulka.

Abaanduulihii Sldhiga Seddexaad ee ciidanka G/Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad iyo ciidamo uu wato ayaa kasoo goostay Jabhada kuwaa oo isku soo dhiiwaya maamulka.

G/Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad iyo ciidan uu watay ayaa horay ugu biiray Jabhada uu Hogaaminayo Korneel Caare waxaana uu hadda ku sugan yahay deegaan dhanka Bari kaga began Ceergaabo una jirta ku dhawaad 40KM.

Sarkaalkan lagu magacaabo Gamaal Maxamed Baaxad, ayaa Jabhada kala soo goostay ku dhawaad Seddex gaari nooca dagaalka iyo ciidamo ku dhow Sodon.

Sarkaalkan oo shuruudo kusoo goostay ayaa lagu wadaa in isaga iyo ciidamadiisa la geeyo magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Somaliland.

Jabhadani lagu bilaabay kala dhantaalida ayaa la sheegay in halis weyn ay ku aheyd xasiloonida deegaanada maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Korneel Caare oo aasaase ka ah Jabhada ayaa wali heysta gaadiid dagaal iyo ciidamo farabadan kuwaa oo qudhooda laga cabsi qabo in dib ay ugu soo goostan maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa xooga saareysa sidii lagu burburin lahaa Jabhada oo u muuqaneysa mid saameyn weyn leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com