Muxuu Keating ka iibsaday halkii mar ee uu SUUQ ku yaal Somalia dhex socday?

Nairobi (Caasimada Online) – Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramida Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya Michael Keating ayaa dhawaan wareysi uu siiyey BBC News, gaar ahaan tifaftireheeda Africa Mary Harper uga warramay halka mar ee uu suuqa Soomaalida dhexgalay waxna ka soo iibsaday.

Harper oo la yeelatay wareysi xiiso lahaa ayaa weydiisay su’aalo muhiim ahaa sida is bedelka siyaasadda dalka, amniga, dhaqaalaha iyo kuwa kale, oo dhammaantood tabanaya Soomaaliya

Hase ahaatee, su’aasha ka wada qoslisay wariyeyaashii waday barnaamjika BBC Focus On Africa ayaa ahayd – “Maxaa iibsatay?

Su’aashan waxa ay ku timi mar uu Keating u sheegay Mary Harper in uu suuqa Gaalkacyo ku lugeeyey oo uu markii ugu horreeysay ganacsata caadiga ah ee Soomaalida wax ka iibsado

Keating ayaa ku jawaabay “Caano Ari!”

Wixii intaa ka dambeeyey waxaa halmar Istuudiyaha BBC Focus On Africa laga maqli karay qosolka warihii barnaamijka oo leh “Maxaad caano Geel anna iigu soo iibin weyday ama adiga u soo iibsaday weysay!”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com