Digniin caalami: Somalia oo xiisada maamulada iyo DF ku weyneysa arrin weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Muranka siyasadeedka iyo kala qaybsanaanta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada waa khatar hakad galin karta dadaalka Soomaaliya ku doonayso in daynta laga cafiyo, sidaas waxa ka digay Bankiga Adduunka.

Bankiga aduunka ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la tabco wax u nugul inay dumaan, islamarkaana halista ku gadaaman dib udhiska dalka ay tahay mid aad u saraysa, iyadoo dhaqaaluhu ahaa mid aad u liitay sanaddii 2017

Qoraalka ayaa lagu yiri “Gaabis ku yimaada dib udhiska dalka wuxuu sababi karaa xiriirka Soomaaliya iyo hay’addaha maaliyadda bixiya oo wiiqma ama sidiisii hore kulaabta, waxaana ka dhalan karta in ay dawladdu waydo maalgalin qaran iyo caawinaad balaaran”

Warbixintaan waxay kusoo beegmaysa xilli dhexda looga jiro khilaaf siyaasadeed joogta ah oo u dhexeeya dawlaada iyo maamul goboleedyada oo iyagu ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Dawladda dhexe, iyagoo so bandhigay liis cabashooyin ah oo ay ka mid tahay faragalin iyo awood ka xayuubin

Dhanka kale waxay mugdi galinaysa in madaxda goboladu ka qaybgalayaan shirka amniga qaranaka ee Muqdisha ka furmaya 17-ka September, shirkaas oo madaxwaynuhu iclaamiyay isla maalintii madaxda goboladu xiriirka ka lanoqdeen dawladda dhexe

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com