Loolanka Garbahaarey – DF oo ciidan cusub dirtay iyo Madoobe oo abaabul wada

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ciidamo dheeraad diyaarado ku geysay degmooyin ka tirsan gobalka Gedo, kadib markii ay dib usoo cusboonaatay xiisadda maamulka Jubaland iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidankaan oo dhowr boqol ah ayaa diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in ay ku biirayaan ciidankii hore ugu sugnaa Gedo islamarkaana ka amar qaadanayey dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in arintaan ay ka dambeysay kadib markii ay dib usoo cusboonaatay xiisadda gobalka Gedo ee u dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.

Jubaland ayaa la sheegay in degmooyin ka tirsan Gedo ka billawday abaabul dagaal iyo aruursi ciidan waxayna qorsheyneysaa in ka hor xiliga doorashada ay qabsato degmada Garbohaarey ee xarunta gobalka Gedo oo la filayo in lagu qabto doorashada qaar ka mid ah xildhibaanada Jubaland ka soo gala baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, warar laga helayo degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobalada Shabeeloyinka ayaa soo sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka soo baxeen tuulooyin hoos yimaada degaanka Basra oo ka kala qeybiya Balcad iyo Afgooye.

Degaankaan oo ay dhowaan galeen ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka baxeen waxayna dib ugu laabteen Shabeelada Hoose halka ay dib usoo galeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Todobaadkii la soo dhaafay Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa Basra ku dagaalamay, waxaana la sheegaya in dagaaladaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan.