Ma maseyrto marwadii mudanaheedu maalqabeen yahay!!!

Waxaan shaki ku jirin inuu jiro maseyr oo uu qof waliba maseyro, haba ugu darnaadeen dumarka oo marka ay ragooda ka dareemaan inuu naago kale la socdo ka carooda ama mararka qaar ay dhacdo inay wax yeelo u geysato.

Maadaama ay taasi jirto ayaa hadana waxaa dhacda marmar in maseyrka hakan karo hadii ninku maalqabeen yahay ama jeebkiisu buuran yahay.

Waxaa cad ama jirta in ninkan maalqabeenka ah ugu yaraan uu qabi karo laba naag ama sadex xittaa marmar uu afareysto. Marmarna si ganbasho la’aan ah afar naag guursada oo xittaa waxaa ugu sii yaab badan in mar mar ay dhacdo in ay naagaha uu qabo ay isyaqaanaan oo ay deris yihiin marna aan kala maseyrin.

Mar aan u kuurgalay sababta maseyr la’aanta ayaan waxaa iiga cadaatay in naag weliba ay qanacsan tahay oo wax weliba ay jamato ka heleyso ninkeeda ama hadii ay dhacdo inay maseyrto loo sameynayo waxa loo yaqaano (Maseyr tir) xoog leh.  Sida in allaabta guriga laga badalo, ama mararka qaar dalxiis dibada ah uu u diro seygeeda sidaana maseyrkii ugu bagsoota oo reerkeedu dhaqata.

Mida aan la yaabay laakiin waxa ay tahay gabar aan si fiican u garanayo oo aad u qurux badan oo dhowr nin maseyr dartii ay u fureen markii ay naago kale la guursadeen ayaa markii danbe nin badrooni ah oo saddex naag qabo ku afareystay, halka ay kuwii hore kaga masayri jiratay mark ay hal naag oo keliya ay la guursadaan. Mararka qaar xittaa maqal keliya oo ay maqasho in ninkeeda oo naag meel la jooga marada isaga tuuri jirtay.

Mar aan weydiiyay sababta ay u ogalaatay nin seddex naag qaba inuu ku afareysto ayey igu jawaabtay:
“Nimankii hore iyagoo aan anigaba tabar I heynin ayay naago kale ila guursan jireen, laakiin hada waxaan ahay mustakafi oo ninkeygu waa maalqabeen, wuuna ii heli karaa waxa aan doono oo ay heystaan naagaha asaagey ah. Kuwa kale ee la ila qabona waa ila mid aniga”.

Waa jiraan naago iimaan leh oo ragooda ku booriya inay ubad badsadaan, oo xittaa marmar naag iyada laftigeeda Illaahey wax u dhiibay ay dhacdo iney gabar yar u guuriso ninkeeda si uu ilmo badan u helo, oo caruurteeda la walaalo ah.

Marka sow lama dhihi karo hadii aad maalqabeen tahay afar naag wey kuu banaan tahay hadii jeebkaadu liitana mid kale ha isku damcin mida aad qabto yeysan kaa baxsanine.!!!

W/D Asad Abukar Cali (Asad Yare)
E-mail asadyarencc@hotmail.com