Ma mudan tahay in xorriyad aan u dabaal degno mise waxay mudan tahay isla xisaabtan iyo garnaqsi?

Hambalyo Umadda Soomaaliyeed usbuuca xorriyadda iyo sandaguuradii 60aad ee madaxbannaanida dalka.

Haldoor badan Soomaaliyeed waxay is waydiinayaan ma mudan tahay in aan u dabaal degno mise waxay mudan tahay in aan isla xisaabtan iyo garnaqsi aan la galno xorriyadda aan dayacnay. Bal wax yar ila milicso wax qabadka iyo guulaha 60 sano kadib:

• 60 sano kadib, Soomaaliya dastuur umadda Soomaaliyeed talo ka dhiibatay ma laha; Waa qabyo qoraal aan afti weli loo qaadin!

• 60 sano kadib, Soomaaliya hawadeeda, berigeeda iyo baddeeda ma madax bannaaana!

• 60 sano kadib, Jamhuudiyaddu ma laha ciidan qaran sugi kara madaxbannaanida xuduudaheeda kala duwan!

• 60 sano kadib, Jamhuuriyaddu waxay u guurtay si qabyo qoraal ah nidaamka loo yaqaan Federal System dooddiisuna harreysay dhammaan go’aan qaadashada dalka iyo awood qaybsiga guud!

• 60 sano kadib Jamhuuriyaddu marnaba kuma guuleysan inay la soo baxdo kheyraadka dhulkeeda ceegaaga, shidaal, macdan …iwm.

• 60 sano kadib Jamhuuriyaddu gacan kuma hayso gobolladi Waqoyi taasoo ka dhigan in midnimadu dhaawacan tahay!

• 60 sano kadib, xuquudda asaasiga ee muwaadin kasta Soomaaliyeed waa dhaawacan yahay. Tusaale xanuun badan waxa kugu filan in qayb ama qabaail ka mid ah bulshada Soomaaliyeed aysan xaq u laheyn in ay wax doortaan ama la doorto, waa markaad eegto nidaamka 4.5. Ma qiyaasi karta xanuunka ay leedahay muwaadin cashuur bixiye ah, dalka difaaca haddana sharicga u diidayo in doorasho u galo xubinninada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya? Wax ka sii daran in loo diiday in uu wax ka doorto mar haddii uusan tartami karin. “ Reer hebel ayaa kursiga leh, reer hebel ayaana is dooranaya” Waa sida uu ku dhisan yahay Baaralaanka 10 aad Federalka Soomaaliya iyo kuwii ka horeeyay! suurta galna ay tahay Baarlamaanka 11 aad sidaa in lagu soo dhiso!!!

• 60 sano kadib Jamhuuriyaddu mugdi baa kaga jira nooca doorashada iyo waqtiga ay dhaceyso; markaad u fiirsato khilaafka xooggan ee dhexyaala Golaha Shacabka, Aqalka Sare Xukuumadda Dhexe iyo dawlad gobileedyada!

• 60 sano kadib Jamhuuriyaddu waxay ku wareersan tahay maqaamka iyo nidaamka siyaasadeed lagu maareyn karo caasimadda Mogadishu!

• 60 sano kadib Jamhuuriyaddu ma laha Maxkamad Dastuuri ay ku kala baxdo!

• Ugu dambeyn waxaa u rajeynayaa umadda Soomaaliyeed inay u dabaal degto sanadka soo socda iyadoo ka gudubtay caqabadaha hortaagan in aan dawlad madax-banaan noqono.

Soomaaaliya ha noolaato!

Hon Mohamud Mashruuc –  Waa xubin ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid