Xildhibaano ay ku jiraan wasiiro oo ku ballamay inay berri hor-istaagaan matalaadda gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la filayaa berri oo sabti ah, taariikhduna tahay 27-ka June ay xarunta baarlamanka ku yeeshaan kulan xasaasi ah, oo looga hadli doono laba ajende oo muhiim ah.

Xildhibaanada ayaa waxaa caawa lagu wargeliyey inuu jiro kulankii Golaha ee loo balansanaa inay hor-timaado Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, iyadoo jeedin doonta Warbixin ku saabsan doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in xildhibaanada ay cod u qaadaan xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maalmihii la soo dhaafay laga doodayay, ayada oo uu horyaallo mooshin dalbanaya in 13 kursi la siiyo gobolka.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan caawa helno ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo diidanaa matalaadda gobolka la qanciyey kadib wada-hadallo lala galay.

Si kastaba, waxaa hadda soo baxday, sida aan xogta ku helnay in xildhibaano ay ku jiraan Wasiiro oo u badan hal beel ay wadaan olole ka dhan ah codeynta berri Xeerka Mataalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Xildhibaanadan oo badankood kasoo jeeda beelaha Harti iyo Absame, ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Wasiir ku-xigeenka Boostada.

Xubnahan oo kulan yeeshay ayaa caawa ku ballamay iney hor-istaagaan Matalaada Gobolka Banaadir ama iney xiraan fadhiga Baarlamaanka ee berri.

Waxaa aad looga cabsi qabaa cabsi in codeynta berri ay fowdo iyo buuq hareyso, ayada oo xildhibaanada Hawiye ay sheegeen in wax kasta u sameeynayaan in kulanka berri uu dhaco.