27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Maamul goboleedyada oo qorshe cusub damacsan iyo qodobbo la isku hayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maalintii seddexaad madaxda ugu sareyso dalka ay kulan la isku mari la’yahay ku leeyihiin magaaladaasi.

Kulanka ayaa horey loo qorsheeyay inuu dhaco kaliya muddo labo maain ah, balse waxaa muuqata in wali la isku mari la’yahay qodobada qaar, taasi oo keentay in dib u dhac uu ku yimaado waqtiga kulanka.

Seddex arin oo la isku fahmi waayay ayaa sababay in shirka uu galo maalintii seddexaad, waxaana la isku mari waayay arrimaha doorashooyinka, Kheyraadka dabiiciga iyo faragelinta dowladda Soomaaliya ay ku heyso dowlad goboleedyada.

Dawlad gobaleedyada ayaa aad uga cabanaya faragalinta dawladda Faderaalku ay ku hayso arrimaha gudaha ee Galmudug iyo Jubbaland oo Iyana hadda doorasho looga madlan yahay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu soo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay dhaqan geliso heshiiskii qeybsiga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah u aragta in sharciga Shidaalku uu meelmar noqdo, iyadoo aan waxba dibu eegis ah lagu sameynin, waxaana dadaal badan arrimahaas galinaya Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, sida aan xogaha ku heleyno.

Wararka aan sidoo kale heleyno ayaa sheegaya in maamulada Jubbaland, Puntland & Galmudug ay xooga saarayaan sidii qorshe mideysan loogu heshiin lahaa.

Iyadoo heshiiskaasi ay goobjoogayaal ka noqonayaan wakiilada Shacabka iyo kuwa caalamiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News