Maamul goboleedyada oo soo faro-geliyey khilaafka Galmudug + qorshe socda

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Waxaa mar kale meeshii ugu sareysay gaaray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Galmudug kaasoo keenay inay istaagto shaqadii maamulkaas oo markii horeba aheyd mid aad u liidato.

Khilaafka cusub ayaa ka dhashay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna ee loogu soo daray maamulka Galmudug iyo sida loo fidiyey, waxaana mar kale dhinac isku raacay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku aadan inuu jiro dadaal ku aadan sidii loo heshiisiin lahaa Madaxda uu khilaafka ka dhaxeeyo.

Dadaalkaan lagu heshiisiinayo madaxda Galmudug ayaa waxaa wado Gollaha Iskaashiga maamulada dalka oo uu hoggaamiye u yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Sida xogta sheegeyso hogaanka Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ay xiriiro la sameeyeen dhinacyadda isku haya Galmudug, islamarkaana ay u sheegeen inay doonayaan inay soo kala dhex-galaan.

maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxda is khilaafsan la isugu keeno midkood Magaalooyinka Kismaayo ama Garoowe si khilaafkooda loogu dhameeyo miiska korkiisa isla markaasna ay koox kasta sheegato waxa ay tabaneyso.

Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa lasoo sheegaa inuu diidan yahay ka qeybgalka kulankaas isagoo horeyna ugu digay Maamul Goboleedyada inay soo farageliyaan Khilaafka ka dhaxeeyo Madaxda Galmudug.

madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa aqbalay waanwaanta ay wadaan madaxda maamul Goboleedyada  sida ay illo wareedyo ku dhow Xaaf u xaqiijiyeen Caasimadda Online.

Sababta uu Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey u diidan yahay wadahadalkaan ayaa ah inuusan ku qanacsaneyn dhex dhexaadinta madaxda Maamul Goboleedyada maadaama uu u arko inay yihiin kuwa la safan madaxweyne Xaaf.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa  ic-laamisay dhawaan shir ay ku dhex-dhexaadinayso Xaaf iyo dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo lagu wadey inuu Shalay  ka furmo Muqdisho.

Maamulka Galmudg ayaa tan iyo markii la abuuray wuxuu ka shaqeyn waayey khilaaf soo kala dhexgalo madaxda Maamulkaas, wuxuuna noqday Maamulka shaqo ahaan ugu liito Maamul Goboleedyada ka jiro dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com