Maamul gobolkii koowaad oo soo gudbiyey xubnaha ku matali doona guddiyada doorashada heer federaal

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa soo gudbiyey xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federaal.

Madaxtooyada Puntland, ayaa si rasmi ah xalay ugu gudbisay dowladda federaalka liiska afar xubnood oo Puntland ku matalaya labadaas guddi.

Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Puntland Cabdiweli Tima-Cadde iyo Muuse Geelle Faroole oo horay xilal uga soo qabtay maamulkaas ayaa Puntland ku meteli doona Guddiga Doorashooyinka ee Federaal.

Sidoo kale Siyaasiga Burhaan Cilmi Filig iyo gabar la-taliye u ah Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo lagu magacaabo Yaasmiin ayaa Puntland ku matala Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Federaalka, 

20-kii bishan ayey ku ekeyd mudadii lagu balamay ee aheyd in madaxda dowlad goboleedyada ay soo magacaabaan xubnaha ku metelaya guddiyadan, balse dib u dhac aan la shaacin sababtiisa ayaa ku yimid.

Puntland ayaa maalin kadib waqtigii lagu balamay soo magacaawday xubneheeda, iyada oo maamullada haray looga fadhiyo inay soo gudbiyaan liiska xubnaha laga rabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda ay soo gudbiyeen xubnaha ku metalaya guddiyada doorashada ee heer federaal maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halka weli la sugayo dowlad goboleedyada kale ee dhiman ee HirShabelle iyo Galmudug.

Soomaaliya oo ku jirto marxalad kala guur ah ayaa isku diyaarineyso doorashada 2020 illa 2021, iyada oo lagu dhaqaaqay xukuumaddii ka shaqeyn laheyd, taas  oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Rooble, walow aan weli la horgeyn golaha shacabka.