Maamulka AXMED MADOOBE oo war cusub kasoo saaray shirka ka socda…

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka KMG ah ee Juba ayaa ka hadlay shirka maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed ee ka socda magaalada Baydhabo.

Afhayeenka maamulkaas, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa caawa sheegay in shirkaas uu yahay mid qaldan oo aan wax faa’ido leh uusan ka soo baxaynin.

Wuxuu sheegay in dastuurka dalka uu dhigaayo maamul in ay sameesan karaan labo gobal iyo wax ka badan, “marka yeesan isku mashquulin maamul dhisan ” ayuu yiri.

Cabdinaasir Seeraar ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka KMG ah ee Juba, sidaas darteed ma naqaano ayuu yiri in shir laga yeesho maamul dhisan.

Afhayeenka maamulka Juba ayaa sidoo tilmaamay in xiriirka maamulkoosa iyo dowladda dhexe uu yahay mid wanaagsan.

Hadalka afhayeenka maamulka Juba ayaa ku soo aadaya iyadoo uu hadda shir ka socdo magaalada Baydhabo kaasoo looga arrinsanaayo siddii maamul lix gobal loogu sameen lahaa kuwaasoo kala ah Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com