MUQDISHO: Weerar iyo qarax caawa lagu qaaday maqaayad caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii waxa ay bamb gacameed ku weerareen mid ka mid ah maqaayadaha The Village oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in uu maqlay qarax kaddib ay rasaas dhaceen, wuxuuna sheegay in la weeraray maqaayada The Village oo ku taalla degmada Hodan.

Wuxuu sheegay in uu jiro khasaaro soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayada balse ma sheegin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo isku gadaamay xarunta.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo maamulka maqaayada The Village oo ka mid ah maqaayadaha ugu caansan Muqdisho.

Horrey ayaa maqaayada The Village loo weeraray, waxaana ku dhintay kuna dhaawacmay dad badan.

Ma cadda wax yaabaha loo beegsado xarumaha maqaayada The Village, laakin dadka waxa ay lee yihiin waxaa inta badan taga saraakiisha iyo shakhiyaadka dowladda ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com