Maamulka AXMED MADOOBE oo runta ka sheegay arrimo lagu xamanayey

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimo maalmahan ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Juba Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaas ay si cad ah ugu lug lee yihiin afduunka ka dhaca magaalada Kismaayo.

Gen Darwiish ayaa ku si feeyay qaar ka mid ah ciidanka Axmed Madoobe in ay yihiin kuwa calooshood u shaqeestayaal ah oo la kireesto sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu wacad ku maray in gacan bir ah ay kula dhaqmi doonaan ciidamadaad caddeestay in afduubtaan dadka rayidka ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale,wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada ay ku leg yihiin dhulalka la isku heesto magaalada oo ku soo baatay bilooyinkii dambe. “arrintaas ammaanka ayey wax u dhibeysaa” ayuu yiri.

Waa markii ugu horreysay oo mas’uul ka tirsan maamulka Axmed uu si cad ah u sheego in ciidamooda ay ku lug lee yihiin falalka ammaan darida ee ka taagan magaalada Kisamayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com