Xasan oo oo hadal aysan ku farxin ku yiri Odayaasha ku shirsan Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladiisa in ay aqoonsan tahay maamulka KMG ah ee Juba oo ka arrimiya goballada Jubbooyinka iyo Gedo, wuxuuna odayaasha ku shirsan magaalada Baydhabo ka codsay in shirkooda ay ku koobaan uun seddax gobal oo kal aha Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka Baaydhabo uu san saameyn ku yeelan maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna tilaamay in laga fiican yahay in lagu mashquulo maamul dhisan oo dowladda ay aqoonsatay sida uu yiri.

“Annaga maamulka Jubooyinka waan aqoonsanay waana mid hadda shaqeenaya, marka yaan lagu mashquulin maamul dhisan balse waan soo dhaweyneynaa in dadka ay dhistaan maamul, dalka oo dhan ayaa maamul laga rabaa, maamuladan dhammaan waa KMG ah taladeena waa sidaas”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caddeeyay in ay tagi doonaan magaalada Baydhab oo ay ka qaybgali doonaan shirka halkaas ka socda, oo ay soo barakeen doonaan sida uu yiri.

Hadalka madaxweynaha ayaa daliil u ah khilaafka ka taagan maamulka Koonfur Galbeed oo la isku heetso in laga dhigo lix gobal iyo seddax gobal.

La arki doonee jawaabta ay ka bixiyaan odayaasha ku shirsan magaalada Baydhabo hadalka uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com