CC Sharma’arke: P/Land waa hooyada Somalia cid diiddi karto-na ma lahan

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Arbaca ah gaaray ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Cumar Cabdirashiid oo ay la socdaan siyaasiyiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Faroole.

Mar uu la hadlay warbaahinta ayuu sheegay socdaalkiisa in uu la xiriiro siddii uu goobjoog uga noqon lahaa doorashadda Puntland ka dhaceysa 8-da bishan Janaayo.

Waxaa kaloo uu sheegay ra’iisal wasaarihii horre in uu ka qaybgali doono siddii la isugu soo dhaweeyn lahaa musharrixiinta iyo madaxweyne Faroole isla markaana doorashada ay ugu dhici lahayd si nabadgalyo leh oo cod.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa Puntland ku tilmaamay in ay u dub dhexaad u tahay isagoona ku sifeeyay hooyada Soomaaliya

Dhinaca kale, waxaa maanta lagu dhaariyay Garoowe xildhibaannada baarlamaanka Puntland kuwaasoo dhawaan la magacaabay.

Munaasabadda lagu dhaariyay xildhibaannadan cusub oo tiradooda ah 66-mudane waxaa ka qaybgalay madaxweynaha xilka uu ka dhammaanaayo Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii horre Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirse Cadde Muuse iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Xubnaha golaha wakiilada cusub ayaa isku raacey Cali Axmed Cismaan oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn in uu s KMG ah uu haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka halka ku xigeenkiisa looga dhigay Cali Axmed oo horrey uga tirsanaa xildhibaannadii horre,

Waxaan munaasanadda ka qaybgalay qaar ah musharrixiinta u taagan xilka madaxtinnimada Puntland, waxaana u hadlay Cali Cabdi Awaare oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin xubnaha cusub ee baarlamaanka Puntland iyo sidda loo dhaariyay.

Waxaa jirta warar sheegaya in xildhibaannada ay ku yer yihiin dumarka, waxaana arrintaas kulamo ka yeeshay dumarka ku dhaqan deegannada Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com