Muqdisho (Caasimada Online)-Wareysi uu Wakaalladda Wararka ee AP siiyay Agaasimaha Fulinta Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkada Daallo ay aad uga xun tahay dhibtii ku dhacday Diyaarada xili ay ku guda jirtay duulimaadkeeda.
Agaasimaha ayaa wareysigiisa ku dhaleeceeyay Shirkadda Turkish Airlines, waxa uuna sheegay in Shirkada Turkiga ay si cad uga gaabisay in Daallo ay la wadaagto dhibaatadii ku dhacday diyaarada.
Maxamed Ibraahim oo ah Agaasimaha ayaa sheegay in Shirkada Daallo ay ahmiyada koowaad siineysay inay hesho xogo muujinkara sababta uu diyaarada uga dhex dhacay Qaraxa, balse waxa uu si dadban u cadeeyay in Shirkada duulimaadyada Turkiga ay waxbadan ka ogeyd Qaraxaasi burburiyay Daallo.
Maxamed Ibraahim waxa uu sheegay in shaki badan ay ka qabaan sababta ay Shirkadda Turkish Airlines u hakisay duulimaad ay ku imaan laheyd magaalada Muqdisho, taasi oo uu maamulka Daallo ku micneeyay mid loogu maleegaayay dhagarta.
Agaasime Maxamed Ibraahim oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay inay la socdaan in maalinta uu Qaraxa ka dhex dhacaayay Daallo wax yar un ka hor ay Turkish Airlines mamnuucday 2 duulimaad oo ay ku laheyd Garoonka Aadan Cadde, hayeeshee baajinta duulimaadkaasi ay ka qabaan shaki.
Agaasimada waxa uu sidoo kale sheegay in Turkish Airlines ay 2 duulimaad kusoo wareejisay Daallo Airlines sidaana ay ku qaaden, balse nasiib darro inta ay hawada ku jirtay Daallo uu dhacay Qaraxa.
Sidoo kale, Agaasimaha Daallo Airlines waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa in shirqoolka loo dhigay uu ahaa mid Turkish Airlines ay waxbadan ka ogeyd, waxa uuna shaki galiyay in Qaraxaasi uu ahaa mid aan loogu tallo galin Diyaaradda Daallo.
“Waan og nahay, waana taqaanaa, Turkish Airlines waxa heleen nooc digniin dhinaca Ammaanka, balse, aysan la wadaagin una soo gudbinin Daallo Airlines,” ayuu yiri Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin.
Dhanka kale, Agaasimuhu waxa uu cadeeyay in sababta Turkish Airlines ay Daallo ugu soo wareejisay duulimaadka ay tahay shaki mar hore kusii jiray, iyadoona degdegta Daallo ay keentay Qaraxaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]