Maamulka Donald Trump oo shaaciyey go’aankii laga sugayey ee Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security ayaa mudo 18 bilood ah sharciga dal ku jooga ah u kordhisay 500 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo aad uga wal walsanaa waxa ay la kulmi doonaan.

Dadka sharcigan loo yaqaano TPS-ka ee ku meel gaarka ah loo cusbooneysiiyay ayaa waxa ay intooda badan ku nool yihiin gobolka Minnesota oo ah gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Senataro Mareykan ah oo gaaraya 22 iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha ay barnaamijkan kala hadleen dowladda Mareykanka, sidaasina waqtiga sii joogitaankooda dalkaasi loogu kordhiyay.

Boqolaal dad ah ayaa xalay farxad ku seexday, maadaama 18 bilood oo hor leh loo siiyay inay joogaan dalka Mareykanka, kana shaqeystaan gudaha Mareykanka.

Waaxda amniga gudaha dalka Mareykanka ayaa diiday dadka dhawaan tagay Mareykanka ama kuwa hada galaya inay sharci siiso, balse keliya waxay cusbooneysiin u sameysay kuwa horey u heystay sharciga deganaanshaha.

Tan iyo markii talada dalka Mareykanka uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump, Soomaali badan ayaa dib looga soo celiyay dalkaasi, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dambiyo ka galeen Mareykanka iyo inay aysan heysan sharciga deganaanshaha.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com