Maamulka G/Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka isku khilaafsan qeybinta tallaalka COVID-19 – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ay isku khilaafeen bixinta Tallaalka cudurka saf-marka ah ee Covid-19. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qorshaha markii hore ahaa in dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir laga sameeyo rugo laga qaato Tallaalka balse ay qorshahaasi isku fahmi waayeen maamulka gobolka iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. 

Lama hubo sababta ka dambeysa hase yeeshee waxaa soo baxaya in khilaafkan uu salka ku hayo arrimo dhaqaale iyo macaash la sheegay in la aaminsan-yahay in laga sameyn doono tallaalkaan oo loogu talagalay in si lacag la’aan ah loo qeybiyo. 

“Khilaaf culus ayaa jiro oo u dhaxeeya gobalka iyo wasaaradda waana sababta loogu diiday in la siiyo gobalka adeegaan muddo maalmo ah oo uu yaalo dalka,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. 

Tobaneeyo qof ayaa maalintii cudurkaan ugu geeriyada Muqdisho, waxaana goobaha tallaalka laga helo ilaa hada ay tahay ugu badnaan 3 xarun oo markii hore goob karantiil oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.