Maamulka gobalka Banaadir oo ka soo horjeestay go’aankii wasiirka amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka soo horjeestay qorshe cusub oo ku aadan xagga ammaanka oo shaley kasoo baxay wasaaradda ammaanka kadib markii dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay sii kordheen bishan oo kaliya.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cali Maxamuud Seeko ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in qorshahaas uu yahay mid aan soconeynin isagoona intaas ku daray in magaalo ay ku nool yihiin labo milyan iyo ber qof in la dhaho waxaa sugaya kaliya 10 gaari oo ay saaran yihiin ciidamo boolis ah iyo nabad sugid.

Wuxuu sheegay in qorshaha wasaaradda ammaanka uu fiican yahay balse sida wax loo rabo aaney u socon doonin ammaan la sugana uusan meesha jirin.

Cali Seeko ayaa xusay haddiiba la rabo in ammaanka Muqdisho la sugu lagu wareejyo maamulka gobalka Banaadir lana hoos-keeno talisyada nabad sugida iyo booliska ee gobalka Banaadir.

Waxaa muuqata in uu durba curtay khilaaf ka dhexeeya wasaaradda ammaanka iyo maamulka gobalka Banaadir, waxaana khilaafka uu salka ku hayaa cidda maamuleysa ammaanka Muqdisho.

Arrintan oo shaley soo billaabatay ayaa weli ka socota labada dhinac waxaana aan ka hadlin madaxda dowladda sidda ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Guddoomiyaha gobalka Babaadir ayaa shaley sheegay haddii la rabo in la sugu ammaanka Muqdisho la hoos-keeno maamulkiisa si markaas xitaa loola xisaabtamo wax yaabaha dhaca inta ka horeysa wuxuu xusay in aan lagula xisaabtami doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com