Warbixin: Qarax ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Afafka hore ee Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dhacay Saldhiga Albaabkiisa, waxaana la Tilmaamayaa inuu ka dhashay miino lagu xiray gaari uu lahaa Weriye ka tirsanaa Warbaahinta Dowlada Federaalka.

Gaariga ayaa waxaa miinada lagu xiray xilli uu ka maqnaa Milkiilihii Weriyaha ahaa, waxa uuna dhacay Qaraxa xilli uu goobta soo gaaray Milkiilaha, wallow uusan qaraxa ka dhalan wax Khasaaro ah.

Saraakiisha Saldhiga ayaa waxa ay sheegen in Qaraxa uusan dhalin wax Khasaaro ah, balse uu jiro firir soo gaaray mid kamid ahaa dhalinyarada caseeyayaasha oo goobta ku sugnaa.

Qaraxa oo aan geysan wax Khasaaro ah, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalinimadii shalay ay Wasaarada Amniga soo saartay amaro lagu xaqiijinaayo Ammaanka Caasimada, hayeeshe qaraxyada uusan aheyn mid istaagaya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com